COMING SOON......Radio Nasiib

Friday, January 24, 2014

Bulshada Awdal oo muujisey Xiisaha ay u Qabaan Marti-gelinta Ciyaaraha Gobollada ee Sannadkan

Boorama (Nasiib)-Fursadda Marti-gelinta Ciyaaraha Gobollada Somaliland ee 2014, ayaa waxa tahay mid ay si wayn u doonayaan dadka ku nool goboka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama ee xarunta gobolkaas.
Damaca ku aaddan arrintan ayaa waxa markan isku raacay, goob-fagaare ahna ka shaaciyay madaxda gobolka Awdal, kuwa degmada Boorma, Masuuliyiinta Wasaarda Ciyaaraha ee Gobolka, iyo madaxda dhaqanka, waxaana arintan ku taageeray dad badan oo ku dhaqan gobolka oo gabi ahaantoodba ah daneeyayaasha ciyaaraha.

Isuduwaha Ciyaaraha ee Gobolka Awdal Md. Samaroon Cabdilaahi Cilmi oo arintan ka hadlay ayaa yidhi, “Waxa aan saxaafada ka sheegayaa in gobolka Awdal uu rabo ololena u gali doono inuu marti galiyo tartankii ciyaaraha ee Somaliland, caasimadii waa lagu soo qabtay, Burcana waa lagu soo qabtay, una malayn maayo inay jirto Boorama magaalo kale oo ka mudan in tartankaasi lagu qabto, Boorama ayaanan rajaynayaa inay noqoto meesha tartankaasi lagu qabanayo, si wayna waan ugu diyaar-garownay, dadka reer Booramana waxa aan ka rejaynayaa inay u diyaar-garoobaan martigalinta ciyaarahaas, taladaasina waxa ay tahay mid dadka reer Awdal oo dhan ka soo go’day.”
Maayarka magaalda Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa isaguna dhankiisa arintan ka shaaciyay, waxana uu yidhi “Waa run in gobolo kale hore loogu qabtay tartanka ciyaaraha ee gobolada Somaliland, maanta waa fursadii Magaalada Boorama, waanan ka wada hadalnay arrintan maamulka gobolka Awdal, Wasiirkana waan kala hadli doonaa, waxaana aan diyaar u nahay inaan arrintan martigalinta ciyaaraha ka galno olole xooggan ilaa aan kaga guulaysanayno, waan dhisnay Garoonkii kubada Cagta, waanan ku kalsoonahay in magaalada Boorama tahay magaalo ku habboon martigalinta, cimiladeeduna ay tahay mid ku haboon in lagu ciyaaro, sidaas aawadeed, waxa aan shaacinayaa in arrintani ay tahay mid naga go’an diyaarna aan u nahay, sumcad iyo isdhexgalna u ah dhalinta iyo ciyaaraha Somaliland.”
Sidoo kale, badhasaab Ku-Xigeenka Gobolka Awdal, Cabdi Nuur Sugaal ayaa isaguna dhankiisa ka soo dhaweeyay  arintan waxana uu yidhi, “Ma jiro meel ka mudan Boorama oo ciyaarahaas lagu martigalin lahaa sanadkan, waa gobolkii midnimada, waa magaaladii horumarka, waana meel ku haboon oo ay dadkeedu diyaar u yihiin in lagu marti galiyo ciyaaraha sanadkan.”
Sul. Xasan Xadi Baade oo isaguna arintan soo dhaweeyay ayaa yidhi, “Talaabadaasi waa mid ay Salaadiintu wadajir u taageerayso, dhalintana waxan leeyahay ha u diyaar-garoobaan soo-dhawaynta dhalinta kale iyo martigalinta ciyaaraha ee sanadkan.
Si kastaba ha ahaatee, arrinta marti-galinta ciyaaraha gobollada Somaliland ee sannadka2014 ayaanan weli la shaacin gobolka sannadkan nasiibka u helay, waxaana ay Wasaarada ciyaaraha ee Somaliland hore u sheegtay in tartan lagu jiro, natiijaduna ay soo bixi doonto isla sanadkan horraantiisa.

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking