COMING SOON......Radio Nasiib

Friday, January 24, 2014

Wasiirka Caafimaadka oo socdaal u-kuurgelis ah ku jooga Gobolka Selel

Boorama (Nasiib)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed iyo Wefti uu hoggaaminayo oo maalmahan kormeer shaqo ku marayey gobollada Galbeed ee dalka, ayaa gaadhay deegaamo hoos yimaadda magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel.
Weftiga uu hoggaaminayey Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Heer gobol ilaa dagmo ee Gobolada Awdal iyo Salal, ayaa ujeeddada socdaalkoodu yahay u kuur-galista Xaaladda Caafimaad ee gobolladas, waxaanay socdaalkooda ka bilaabeen Magaalada Borama ee Xarunta gobolka Awdal, iyada oo sii maray Deegaanada Hoos yimaadda gobolka Awdal, waxaanu wasiirku xalay gaadhay degmada Saylac ee Xarunta Gobolka Selel oo Soo-dhaweyn Meeqaankeedu sareeyo lagu qaabiley.
Weftiga Wasiirka, ayaa la filayaa inay maanta socdaalkooda uga sii gudbaan deegaamo kale oo ka tirsan gobolka Selel si ay ugu kuur-galaan xaaladda Caafimaad ee gobolkaas.
Socdaalkan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee Wasiirku ku galaa-bixiyo gobollada Galbeed ee Dalka, ayaa qayb ah socdaallo ujeeddadoodu tahay u-kuurgelista xaaladaha Caafimaadka ee deegaamada kala duwan oo wasiirku ku tagi doono gobollada kala duwan ee dalka. 

Nasiib News

0 comments:

Grab this Widget ~ Blogger Accessories
 
free web site stats and visitor tracking